Janaraal Maxamed Cali Samatar oo ku geeriyooday Maraykanka

samatar-1
Marxuum Janaraal Maxamed Cali Samatar.

Virginia-(Puntland Mirror) Janaraal Maxamed Cali Samatar oo xilal badan kasoo qabtay dowladii kacaanka ahayd ee Madaxweyne Maxamed Siyaad Bare ayaa ku geeriyooday xalay oo Sabti ahayd gobolka Virginia ee dalka Maraykanka, sida ay xaqiijiyeen qoyskiisa.

Janaraal Samatar ayaa dalka kasoo noqdey Madaxweyne Ku-Xigeenka 1-aad, Raysulwasaare, iyo Wasiirka Gaashaandhiga xilligii dowladii kacaanka.

Janaraal Maxamed Cali Samatar ayaa la sheegay in da’adiisu ay ahayd 85-sanno markii xalay uu ku geeriyooday dalka Mareykanka.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*