Maamulihii shirkada DP World ee dekada Boosaaso oo la dilay

Paul Anthony Fermosa (M), Siciid Maxamed Raage, Wasiirkii Dekadaha Puntland (B) intuu lagu guda jiray munaasabadii la wareegista dekada.

Boosaaso(Puntland Mirror) Maamulihii shirkada DP World ee dekada Boosaaso ayaa waxaa dilay nin hubeysan saakay oo Isniin ah, sida ay sheegeen ilo-wareedyadu.

Paul Anthony Fermosa, oo u dhashay jasiiradda Malta, ayaa waxaa toogasho ku dilay nin dhalinyaro ah oo baastoolad ku hubeysan meel dekada u dhow, sida ay sheegeen ilo-wareedyo dhanka ammaanka katirsan.

Ninka dilka geystay ayaa waxaa toogtay ilaalada Paul, ilo-wareedka ayaa intaas ku daray.

Wuxuu maamulayay dekeda tan iyo dabayaaqadii 2017, markii DP World ay heshiis la saxiixatay dowladda Puntland si ay u horumariso una maamusho dekeda.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa si dhaqso ah u sheegatay masuuliyada dilkaas, sida ay ku warantay Radio Andalus, oo ah idaacad taageerta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*