Tobonaan kun oo reer Cuba ah ayaa ka qeybgalay munaasabada, sidoo kale waxaa ka qeybgalay hoggaamiyaal caalamka ka kala yimid.
Raul Castro ayaa wacad ku maray inuu xoojin doono shuruucda hanti-dhowrka iyo ujeedooyinkii kacdoonka oo uu hoggaamiye ka ahaa Fidel, kaasoo geeriyooday asbuucii lasoo dhaafay isaga oo jirey 90-sanno.
Kumaan kun oo qof oo munaasabada sagootinta ah ka qeybgalayay ayaa ku qeylinayay “Cimri dheer Fidel, waanu kula jirnaa Fidel”.
![Arday ka qeybgalaysay munaasabada sagootina meydka hoggaamiyahoodii hore. [Sawirka: Reuters]](https://puntlandmirror.net/wp-content/uploads/2016/12/83bff4f4a4ad429b998befa49dcdf44d_18.jpg)
Hoggaamiyihii shuuciga ahaa Fidel Castro, ayaa xukumayay dalka Cuba muddo ku dhow 50-sanno, iyadoo 2008-dii uu walaakiis Raul Castro xilka kala wareegay kadib markii ay xaalad caafimaad daro lasoo deristay.