Wasiirka Warfaafinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Daahir Maxamuud Geele oo soo xiganaya digreeto kasoo baxday xafiiska Raysulwasaaraha ayaa sheegay in xilka laga qaaday Xasan Macalin Xuseen oo ahaa Wasiirkii Diinta iyo Awqaafta.
Lama sheegin sababta keentay xilka qaadista.
Wasiir Dowlahha Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Cabdixakiin Xasan Ibraahim ayaa si kumeelgaar ah loogu doortay in uu sii hayo xilka, sida uu sheegay Wasiirka Warfaafinta.