Hal qof oo ku dhintay daadad ka dhashay roobab mahiigaan ah oo ka da’ay Puntland

Togga Garoowe oo biyoo daad ah marayaan. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Daadad ka dhashay roobab mahiigaan ah oo 24-kii saac ee lasoo dhaafay ka da’ayay gudaha Puntland ayaa hal qof ku dilay gobolka Nugaal, sida dadka deegaanka ay u sheegeen bog-wareedka Puntland Mirror.

Roobabka ayaa ka da’ay gobolada Bari, Karkaar, Gaardafuu, Sanaag, Hayland, Nugaal iyo Mudug, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Asbuucii lasoo dhaafay, daadad ay keeneen roobka Gu’ga ayaa khasaare gaarsiiyay buundooyin kuyaala laamiga isku xira Garoowe iyo Boosaaso, taasoo keentay in gaadiidka xamuul ay ku xanibmaan.

Roobka Gu’ga oo da’a bilaha Maarso ilaa May ayaa yimid iyadoo ay sanadkan jirtay jilaal adag kaasoo sababay biyo la’aan.

Abaaraha soo noqnoqanaya iyo roobaabka maahiigaan ah ayaa waxa ay qeyb ka yihiin isbadalka cimilada adduunka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*