Kulanka ayaa looga hadlay xariirka iyo iskaashiga labada dowladood, la dagaallanka argagaxisada iyo qorshaha deyn cafinta ee gebabeda maraya, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay xafiiska Raysulwasaaraha Soomaaliya.
Tibor P. Nagy ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay ka go’antahay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed kala shaqeyso dib-u-kabashada iyo dib-u-dhiska dalka, bayaanka ayaa intaas ku daray