Nin kufsaday gabar oo dabadeed dilay oo toogasho lagu fuliyay gudaha magaalada Garbahaaray

Toogashada Maxamuud Cali Xaamud oo 32-sanno jir ahaa. [Isha Sawirka: Twitter]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Nin kufsaday gabar oo dabadeed dilay ayaa maanta oo Talaado ah dil toogasho ah lagu fuliyay gudaha magaalada Garbahaaray ee gobolka Gedo.

Ninka dilka lagu fuliyay ayaa magaciisa lagu sheegay Maxamuud Cali Xaamud oo 32-sanno jir ah kaasoo kufsaday kadibna dilay gabar 18-sanno jir ah oo la dhihi jiray Xaliimo Cali Maxamed. Dhacdada ayaa bishii Janaayo ee sanadkan ka dhacday tuulada Yucubley, oo qiyaastii 15 kiilomitir dhanka bariga kaga beegan Garbahaaray, sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Dilka ayaa waxa fuliyay ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya qeybtooda gobolka Gedo kadib markii gabadha aabaheed u wakiishay in ay u qisasaan ninka oo maxkamad deegaanka kutaala ku xukuntay dil.

Kufsiga ka dhanka ah gabdhaha ayaa bilihii lasoo dhaafay kordhay gudaha Soomaaliya. Bishii lasoo dhaafay ee Febaraayo gabar yar oo 12-sanno jir ah oo la dhihi jiray Caasho Ilyaas Aadan ayaa kufsi iyo dil loogu geystay gudaha magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*