Muqdisho-(Puntland Mirror) Raysulwasaaraha cusub ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta oo Axad ah xafiiska kala wareegay Mahdi Guuleed kaasoo ahaa kumeelgaar tan iyo markii ay baarlamaanka xilka ka qaadeen Raysulwasaarihii hore Xasan Cali Khayre.
Rooble oo Madaxweyne Farmaajo magacaabay bartamihii September ayaa baarlamaanku ansixiyeen asbuucii hore. Waxa uu ku soo beegmay xilli dalku uu ku jiro kalaguur, iyadoo qorshuhu yahay in bilowga sanadka soo socda la qabto doorashooyinka.