Shirkada korontada NECSOM oo bilowday tamar dhalinta dabaysha

Baalayaasha NECSOM ee tamar dhalinta dabaysha oo ay ka taagtay xarunteeda. [Sawirka: Puntland Mirror]
Garoowe-(Puntland Mirror) Shirkada korontadaa NECSOM oo fadhigeedu yahay magaalada Garoowe ayaa bilowday tamar dhalinta dabaysha.

Guddoomiyaha shirkada NECSOM Cabdifataax Maxamed Cabdi oo loo yaqaan (Cabdifataax Kismaayo) oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta caalamiga ah ee Bloomberg ayaa sheegay in mashruuca ay ku bixi doonto dhaqaale gaaraya 2 milyan, waxaana fulinaysa shaqada shirkad Talyaani ah oo la dhaho Evil Energy EPS.

Tamar dhalinta dabaysha ayaa soo saari doonta koronto dhan 750 KW/H, sida uu sheegay Cabdifataax Kismaayo.

Mashruucan tamar dhalinta dabaysha ayaa ah kii ugu horeeyay oo laga fuliyo gudaha Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*