Xildhibaan Bootaan ayaa dhaawacmay kadib markii qarax loogu rakibay gaarigiisa uu ku qarxay isaga oo marayay aaga Xero-Daraawiish ee gudaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Xildhibaanka dhaawacmay ayaa loo qadaaya isbitaalka guud ee magaalada Gaalkacyo, waxaana uu qaraxa ku waayay mid kamid ah lugihiisa, sida saraakiisha caafimaadku ay sheegeen.
Ma jirto cid wali sheegatay masuuliyada weerarkaas.