Turkiga oo saldhigiisa milatari ee gudaha Muqdisho furi doona bisha September ee sanadkan

Saldhiga milatari ee Turkiga ee gudaha Muqdisho. [Xigashada Sawirka: Radio Muqdisho]
London-(Puntland Mirror) Turkiga ayaa saldhigiisa milatari ee gudaha Soomaaliya furi doona bisha September ee sanadkan.

Isaga oo ka hadlayay Khamiistii Shirka Soomaaliya ee lagu qabtay London Raysulwasaaraha Turkiga Binali Yildrim ayaa sheegay in saldhiga milatari ee Muqdisho oo uu Turkigu dhisay uu shaqada bilaabi doono bisha September.

Sida ay sheegeen masuuliyiinta Turkiga, saldhiga miltari, kaasoo dhismihiisu bilaabmay bishii Maarso ee sanadkii 2015, ayaa loo adeegsan doonaa in lagu tababaro ciidamada Soomaaliya si loo xoojiyo dagaalkooda ka dhanka ah ururka hubaysan ee Al-Shabaab.

Waxa uu awood u leeyahay in lagu tababaro 500 askri halkii marba waana saldhiga milatari ee ugu weyn oo Turkigu ku leeyahay wadan ajnabi ah.

Qorshuhu wuxuu ahaa in la furo bishii lasoo dhaafay ee April ee sanadkan, laakiin waxaa dib loo dhigay ilaa September, sida uu sheegay Raysulwasaaruhu.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*