Qarax ugu yaraan shan askari oo katirsan ciidamada Puntland ku dilay tuulada Af-urur

Sawirka: Askari Puntland ah oo ilaalo ka haya gudaha Buuraha Galgala ee gobolka Bari.

Garoowe-(Puntland Mirror) Ugu yaraan shan asakri oo katirsan ciidamada Puntland ayaa ku dhimatay kuwo kalena waa ay ku dhaawacmeen qarac ka dhacay tuulada Af-urur ee Buuraha Galgala maanta oo Jimce ah, sida ay sheegeen ilo-wareedyo ciidamada ah.

Maxamed Xasan Cali, oo ah sargaal ciidamada Puntland katirsan oo jooga Boosaaso ayaa warsidaha Puntland Mirror u sheegay in bumbadu ay qaraxday markii lagu talaalay gudaha meel ay ciidamadu joogeen.

Qaar katirsan ciidamada ayaa ku sugan xaalad daran waxaana loola cararay isbitaalada kuyaala gudaha magaalo xeebeedka Boosaaso, sida uu sheegay sargaalku.

Af-urur waa tuulo yar oo kutaala Buuraha Galgala, waxayna qiyaas ahaan 75 kiiilomitir dhanka galbeedka u jirta magaalada Boosaaso. Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa deegaankaas joogtay ilaa sanadkii 2010.

Bishii June ee sanadkan, dagaalyahano ka socda Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday saldhig ay ciidamada Puntland ku leeyihiin Af-urur, waxayna ku dileen in ka badan 40 dagaalyahan.

Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarkii maanta oo Jimce ah, afhayeenka howlgalada ciidamada ee Al-Shabaab Cabdicasiis Abu Muscab ayaa warbaahinta afka-Al-Shabaab ku hadasha u sheegay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*