Qaraxa oo lala beegsaday masuuliyiin katirsan maamul goboleedka Hir-Shabelle ayaa ka dhacay deegaanka Golooley oo u dhaxeeya magaalooyinka Balcad iyo Jowhar.
Taliyaha ciidanka booliiska Hir-Shabelle Xasan Dhicisow Xasan ayaa warbaahinta dowladda federaalka Soomaaliya u sheegay in qaraxa miinada ay ku dhinteen madaxii maaliyada gobolka Shabeellaha Dhexe, wasiirkii hore ganacsiga Hir-Shabelle, iyo nin kale oo katirsanaa haayadaha samafalka.
Waxay saarnaayeen gaariga nooca raaxada ah marka qaraxu uu dhacay, sida ilo-wareedyadu ay sheegeen.
Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarkaas, sida ay tabiyeen warbaahinta ku hadasha afkooda.