Madaxweynaha Puntland oo lacag abaal-marin ah guddoonsiiyay ciyaartowga Puntland ee ku guulaystay ciyaaraha maamul goboleedyada Soomaaliya

Madaxweynaha iyo kabtanka xulka
Madaxweynaha dowlada Puntland oo lacag abaal marin ah guddoonsiinaya kabtanka kooxda Puntland Cabdisalaan Dhiidhiiyo. Sawirka: xafiiska warfaafinta madaxtooyada Puntland.

Madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa xalay oo Talaado ahayd dhaqaale abaal-marin ah guddoonsiiyay ciyaartoyga kubada cagta Puntland.

Madaxweynaha ayaa mid 1,000 oo dollar siiyay ciyaartooyga oo dhawaan Puntland oo matalayay ciyaaraha kubada cagta ee maamul goboleedyada Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho.

Kooxda kubada cagta Puntland ayaa 5-3 oo gool ku laad ah uga guulaysatay Jubbaland ciyaartii kama dambaysta ahayd oo 26-kii bishii hore ee July ka dhacday garoonka kubada cagta ee Konis Muqdisho.

Abaal-marinta ayaa kusoo beegantay iyadoo Puntland u dabaaldegayso sanadguuradooda 18-aad ee dawladnimo.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*