In ka badan 10 kale ayaa ku dhaawacmay qaraxa, sida ay ilo-wareedku sheegeen.
Ma jirto cid ilaa iyo hadda sheegatay masuuliyada weerarka maanta oo Khamiis ah, balse ururka hubaysan ee Al-Shabaab ayaa badanaa qaada weerarada argagixiso ee gudaha Muqdisho.
Ururka ayaa kordhiyay weeraradooda gudaha Muqdisho intii lagu guda jiray maalmihii u dambeeyay ee bisha barakaysan ee Ramadaan.