“Hadda waxaan cadaynay in ugu yaraan 3,800 oo qof ay dhinteen, taasoo ka dhigaysa 2016-ka sanadka ugu dhimashada badnaa abid.” William Spindler, oo ah afhayeenka haayada Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR) ayaa sidaa ku yiri boggiisa Twitter-ka.
Haayada UNHCR ayaa ayaa sheegtay in dhimashada ay keentay cimilada oo xun, doonyo liita oo lasoo buux dhaafshay iyo qaxootiga ka imaanaya Libya kuna soo jeeda Talyaaniga oo in badan sii kordhaya.
Haayada UNHCR ayaa ka digtay in tirada dhimashada sanadkan ay sii kordhi karto iyada oo sanadka ay ka harsantahay labo biloold.
Tirada dhimashada ee muhaajiriinta badda Mediterranean-ka sanadkii hore ee 2015-ka ayaa ahayd 3,771, sida ay sheegtay UNHCR.