Dabaaldega ugu weyn ayaa lagu qabtay caasimada Garoowe, halkaas oo ay kasoo qaybgaleen masuuliyiinta Puntland iyo afhayeenka baarlamaanka dowladda federaalka Soomaaliya.
Intii uu dabaaldegu socday, tobonaan dad ah oo ka socda bulshada rayidka ah iyo ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa gaardis ku sameeyay masuuliyiinta hortooda fagaaraha Barxada Garoowe. Gaaadiidka ciidamada Puntland ayaa sidoo kale halkaas lagu soo bandhigay.
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaan goobta hadal ka jeedib, balse qabanqaabiyaasha xaflada ayaa sheegay in madaxweynuhu uu hadalkiisa caawa ka jeedin doono madaxtooyada, haalkaas oo munaasabada labaad ay ka dhici doonto.