Nabadoon Xarago ayaa laga xiray gurigiisa oo kuyaala magaalada Boosaaso 25-kii bishii lasoo dhaafay ee Fabaayo kadib markii uu wareysi siiyay idaacada Voa-da qaybteeda Af-soomaaliga kaasoo uu dowladda Puntland ku eedeeyay in ay jir dil u geysato maxaabiista Al-Shabaab ee ku jirta xabsiga Boosaaso si ay u qirtaan dambiyadooda.
Asbuucii lasoo dhaafay, isaga oo la hadlayay idaacada VOA qaybta Af-Soomaaliga Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa qaadacay eedaymaha sheegaya in Puntland ay jirdil u geysato maxaabiista ku jira xabsiyada