Puntland oo sheegtay in SSC-Khaatumo aysan aqoonsanayn

Puntland Mirror
0 Min Read
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni. [Xigashada Sawirka: Puntland State House]

Garoowe-(Puntland Mirror) Puntland ayaa sheegtay in gobolada Sool iyo Cayn ay kamidyihiin Puntland, tilaabo u muuqata in aysan aqoonsanayn maamulka SSC-Khaatumo, sida lagu sheegay war-saxaafadeed gelinkii dambe ee Arbacada ka soo baxay Wasaaradd Arrimaha Gudaha Puntland.

“In si waafaqsan Dastuurka Dowladda Puntland qodobkiisa 7-aad, farqaddiisa 1-aad iyo 2-aad iyo qodobkiisa 138-aad, farqaddiisa 1aad iyo 2-aad, Gobolada Sool iyo Cayn (Dhulbahante) iyo guud ahaan Beelaha dega ay si buuxda wax uga dhisteen Maamulka Dawladda Puntland, Sanadkii 1998dii.” Ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

“Inta laga helayo sifo sharci ah oo ku timaadda wadatashi guud ahaan Reer Puntland, Gobolada Sool iyo Cayn iyo Beelaha dega waxay si waafaqsan Dastuurka iyo qawaaniinta kale ee Puntland, ka tirsan yihiin hannaanka Dawladda Puntland.” Aya lagu sii daray.

Tilaabadan ayaa ka duwan hadalo uu horey u jeediyay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo uu ku sheegay in uu tixgelinayo rabitaanka dadka SSC-Khaatumo in ay yeeshaan maamulu gaar ah.

Waxaa magaalada Laascaanood ka socda shir lagu dhammaystirayo dhismaha dowlad goboleedka SSC-Khaatumo kaasoo ay garwadeen ka tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo madaxdeeda iyo madaxweynaha Puntland uu ka dhaxeeyo khilaaf shakhsiyadeed tan iyo doorashadii madaxweynaha Soomaaliya 2022-kii.

Sidoo kale khilaaf, xoogan ayaa ka taagan gobolka Sanaag, inkastoo ay isimada guud ee gobolku cadeeyeen in ay Puntland qeyb ka yihiin, aysana jirin cid ku metesha qabyna aysan ka ahayn SSC-Khaatumo, haddana waxaa halkaas ku sugan ergooyin ka timid gobolka Sanaag oo ay hormuud u yihiin siyaasiyiin xilal horey Puntland uga soo qabatay.

Asbuucaan, dagaal ugu yaraan sagaal qof ay ku dhinteen ayaa ka dhacay magaalada Dhahar kaasoo u dhaxeeyay ciidamada Puntland iyo maleeshiyo deegaanka ah oo taageersan dhaqdhaqaaqa la dhaho Maakhir, oo doonaya in deegaankaas ay ka madaxbanaanaadaan Puntland.

Share This Article
Leave a Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *