Madaxweyne Farmaajo oo shir ugu yeeray madaxda Dowlad Goboleedyada iyadoo uu jiro khilaaf

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. [Sawir Hore[
Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir wadatashi ah ugu yeeray madaxda sare ee Dowlad Goboleedyada.

Shirka ayaa ka dhici doona Muqdishi 17ka ilaa 18ka Sebteembar, 2018, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay xafiiska madaxtooyada Villa Soomaaliya.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay adkeynaysaa in xal u helista arrimaha masiiriga ah ee dalka ay tahay mid u taalla Soomaalida, iyada oo loo marayo hab ku saleysan wadatashi, isu tanaasul iyo ilaalinta danta guud oo ah waajib saaran dhammaan madaxda qaranka, heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.” Ayaa lagu sheegay bayaanka.

Tilaabada Madaxweyne Farmaajo ayaa timid saacado kadib markii Madasha Dowlad Goboleedyada ay sheegeen in ay hakiyeen wadashaqeyntii Dowladda Federaalka kadib shir maalmihii u dambeeyay uga socday magaalada Kismaayo.

Waxay ku eedeeyeen in Dowladda Dhexe ay meelmarin weyday heshiisyadii iyo balamihii horey loo galay, iyo in ay farogelin ku heyso arrimaha gudaha ee maamul goboleedyada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*