Madaxweynaha Puntland oo codsaday in la baaro warbixinta New York Times ee sheegaysa in Qatar ay ku lug lahayd weeraro argagixiso oo ka dhacay magaalada Boosaaso

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni. [Isha Sawirka: Twiiter]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka codsaday dowladda federaalka Soomaaliya in ay baarto warbixinta New York Times ee sheegaysa in Qatar ay ku lug lahayd weeraro argagixiso oo ka dhacay magaalada Boosaaso.

“Dowladda federaalka Soomaaliya waxaan ka codsanaynaa inay xaqiijiso waxa New York times qorayso oo ah maqaal oo looga hadlaayo waxyaabaha ka dhacaya Soomaaliya oo loo soo qaatay falal ka dhacay Boosaaso, iskuday iyo dilkii loo geystey maareeyihii shirkadda DPWorld, waxaan ka codsanayaa goleyaasha Baarlamaanka Soomaaliya iyo xukuumaddaba in arrintaasi baaritaan dhaba lagu sameeyo ma oranaayo waa xaqiiqadii ugu dambaysey, lakiin waxay abuurtay tuhun dadka qaarkiis ay qabeen in falal badan oo xasiloonida lagu dhaawacaayo in meelo ka baxsan Puntland laga soo maleegaayo oo wejiyo kale loo yeelayo, waxaan aad u codsanayaa in baaritaan dhaba lagu sameeyo.” Ayuu yiri madaxweynaha maanta oo Talaado ah isaga oo ka qeybgalayay bandhiga buugaagta Garoowe.

Isniintii, warbixin uu daabacay wargeyska New York Times ayaa lagu sheegay in ay heleen cod taleefoon oo muujinaya in Qatar ay ka damabayso qarax ka dhacay magaalo xeebeedka Boosaaso ee Puntland.

Codka taleefoonka ayaa u dhaxeeyay safiirka Qatar ee Soomaaliya iyo nin ganacsade ah oo caan ah oo u dhashay dalka Qatar kaasoo sheegaya in maleeshiyada Al-Shabaab oo matalaysa Qatar ay ka dambeeyeen qaraxyo ka dhacay Boosaaso bishii May ee sanadkan si loo waxyeeleeyo Imaaraatka Carabta danahiisa gobolka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*