Wasiirka Maaliyada Dowladda Puntland Xasan Shire Cabdi ayaa shir jaraaid oo uu ku qabtay Qardho ka sheegay in lacagtaas ka timid dowladda dhexe.
Sidoo kale waxa uu sheegay in gargaar ay iska uruuriyeen dadka reer Puntland ee kunool magaalooyinka waa-weyn sida Boosaaso iyo Garoowe uu soo gaaray Qardho.
Ugu yaraan lix qof ayaa ku geeriyooday daadad ku dhuftay magaalada Qardho habeenimadii Isniinta, sida uu sheegay duqa Qardho Cabdi Siciid Cusmaan.
Sidoo kale biyaha ayaa burburshay guryo deegaan ah iyo xarumo ganacsi oo kuyaala magaalada.