Puntland oo ku eedaysay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay dagaal ku soo qaaday hanaanka waxbarashadeeda

Shirka golaha xukuumada Puntland, December 26, 2019, Garoowe. [Isha Sawirka: Puntland State House]
Garoowe-(Puntland Mirror) Puntland ayaa ku eedaysay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay dagaal ku soo qaaday hanaanka waxbarasho ee ka jira Puntland, sida uu sheegay afhayeenka madaxtooyada Jaamac Dabaraani maanta kadib kulankii asbuuclaha ah ee golaha xukuumada maanta oo Khamiis ah.

“Waxaa nasiib daro weyn ah in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay weli wado oo ku celcelinayso dagaal ay ku wiiqayso hanaanka waxbarasho iyo horumarka dhinaca waxbarashada ah ee Puntland,” ayuu yiri.

“Waxaa u dambeeyay in masuuliyiinta dowladda federaalka ay joojiyeen shahaadadii oo ay u diiday ardayda reer Puntland, haatana ay xayiranyihiin oo ay Muqdisho iyo Puntland gudaheeda u joogaan hooyooyin waalid iyo caruurtood oo arday ah oo shahaadadaas rabay.”

Afhayeenka ayaa intaas ku daray in dowladda federaalka ay waraaqo ay ku hor istaagayaan u direen meelihii Puntland ay la lahayd wadashaqaynta waxbarashada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*