20 gaadiidka xamuulka qaada oo ay saaranyihiin 12,733 kiish oo raashin ah iyo dhar cusub ayaa maanta ka ambabaxday Puntland iyadoo uu goobjoog ahaa madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.
Deeqdan ayaa la sheegay in la gaarsiin doono 7,000 qoys oo kamid ah dadka ay waxyeeleeyeen fatahaaduhu.
Maahan deeqdii ugu horeysay ee Puntland u dirto halkaas balse dhawaan ayaa shan gaari oo sida gurmad oo ka tagay magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo ay gaareen Beledweyne. Tana waxay noqon tii ugu balaarnayd.
Madaxweyne Deni oo bogaadiyey dadaalka iyo isxilqaanka reer Puntland sameeyeen si loo caawiyo dadka ay fatahaadu saameysay ayaa yiri: “waa waajib dowladd iyo shacaba saaran qeyb naga mid ah hadii masiibo ku dhacdo in loo gurmado.”
Fatahaada oo ay keeneen roobab mahiigaan ah ayaa burburiyay dhul-beereedkii, kaabayaasha iyo waddooyinka gobolka.