Puntland oo codsatay in la joojiyo hanaanka deyn cafinta Soomaaliya inta heshiis laga gaarayo

Wasiirka Maaliyadda Puntland, Cabdiraxmaan Maxamed Dhabancad. [Sawir Hore]


Garoowe-(Puntland Mirror) Wasiirka Maaliyadda Puntland, Cabdiraxmaan Maxamed Dhabancad, ayaa ku baaqay in la joojiyo hanaanka deymaha lagu leeyahay Soomaaliya inta laga xalinayo khilaafka taagan ee u dhaxeeya dowladda Puntland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhabancad oo wareysi siiyay BBC Somali ayaa sheegay in hanaanka deyn cafinta ay tahay horseedi kara colaad iyo dib u soo laabasho dagaal sokeeye.

“Anagu waxaan leenahay deyn cafinta hadda sidaa lagu wado Soomaaliya ayay khatar ku keenaysa. Waxay dalka dib ugu celin kartaa dagaallo ahliya. Waxaan doonaynaa in la hakiyo oo dib loo dhigo miiska wada hadalkana la isugu yimaado,” ayuu yiri Dhabancad.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*