Milatariga Mareykanka oo beeniyay in Al-Shabaab ay askari Mareykan ah ku dishay meel u dhow Kismaayo

Askari Mareykan ah.
500 askari oo Mareykan ah ayaa ku sugan Soomaaliya kuwaasoo tababarka iyo la talinta gacan ka siinaya ciidamada Howlgalka Midowga Africa (AMISOM) iyo ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya. [Sawirka]
Djibouti-(Puntland Mirror) Milatariga Mareykanka ayaa sheegay in uusan jirin askari Mareykan ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay koonfurta Soomaaliya.

Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay in uusan sax ahayn warka sheegaya in maleeshiyada Al-Shabaab ay askari Mareykan ah ku dileen duleedka magaalada Kismaayo.

“Waanu helnay wararkaas, balse waa been. Ma jiro askari Mareykan ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay gudaha Soomaaliya,” Afhayeenka Africom Samantha Reho ayaa sidaa u sheegay wakaalada wararka Shiinaha ee Xinhua.

Talaadadii, idaacada maleeshiyada Al-Shabaab ayaa tebisay in askari Mareykan ah lagu dilay dagaal ka dhacay duleedka Kismaayo subaxnimadii hore ee Talaadada.

Ku dhawaad 500 askari oo Mareykan ah ayaa ku sugan Soomaaliya kuwaasoo tababarka iyo la talinta gacan ka siinaya ciidamada Howlgalka Midowga Africa (AMISOM) iyo ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*