Odayaasha dhaqanka magaalada Garoowe oo xarunta madaxtooyada kula kulmay Madaxweyne Cabdiweli

Odayaasha dhaqanka magaalada Garoowe oo xarunta madaxtooyada kula kulmay Madaxweyne Cabdiweli. [Xigashada Sawirka: Xafiiska Warfaafinta mdaxtooyada]
Odayaasha dhaqanka magaalada Garoowe oo xarunta madaxtooyada kula kulmay Madaxweyne Cabdiweli. [Xigashada Sawirka: Xafiiska Warfaafinta mdaxtooyada]
Garoowe-(Puntland Mirror) Odayaasha dhaqanka magaalada Garoowe ayaa xalay oo Axad ahayd fiidkii Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali kula kulmay madaxtooyada Puntland ee Garoowe.

Kulanka ayaa waxaa looga wadahadlay arrimo kala duwan oo ay kamidyihiin ammaanka iyo horumarka caasimada, sida mid kamid ah odayaasha dhaqanka uu khadka taleefoonka ugu sheegay warsidaha Puntland Mirror.

Maxamed Cali oo katirsan odayaasha dhaqanka Garoowe ayaa Puntland Mirror u sheegay kulanka Madaxweyne Cabdiweli kadib, kaasoo socday muddo labo saac, in odayaasha iyo madaxweynuhu ay isku-raaceen si wadajir ah in loola dagaalamo falalka amni darada ee magaalada, taasoo xarun u ah haayadaha dowladda.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale ka qaybgalay Wasiirka Caafimaadka Cabdinaasir Cusmaan Ciise iyo Wasiirka Amniga Cabdi Xirs Cali.

Kani waxa uu ahaa kulankii kowaad oo u dhaxeeya labada dhinac tan iyo muddo labo sanno ah.

Intii lagu guda jiray asbuucyadii dhawaa ee lasoo dhaafay, ciidamada Puntland oo dalbanaya mushahaar ayaa qabsaday xarumo dowladdeed oo uu kamidyahay aqalka baarlamaanka  oo kuyaala gudaha caasimada.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*