NISA oo sheegtay in sargaal Al-Shabaab u qaabilsanaa ururuurinta canshuurta lagu dilay deegaanka Kuunya Barow

Maleeshiyada Al-Shabaab. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Haayada ammaanka qaranka Soomaaliya ayaa sheegtay in sargaal sare oo katirsan Al-Shabaab in lagu dilay deegaanka Kuunya Barow.

Bayaan kasoo baxay maanta oo Sabti ah haayada NISA ayaa lagu sheegay in sargaalka uu Al-Shabaab u qaabilsanaa uruurinta cabshuurta.

NISA ayaa intaas ku dartay in dilka uu dhacay Khamiistii.

Labo katirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay duqeyn uu Mareykanku ka geystay deegaanka Kuunya Barow isla Khamiistii.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*