Mareykanka oo sheegay in ay baari doonaan wararka sheegaya shan qof oo shacab ah oo lagu dilay weerar ay fuliyeen ciidamadooda iyo kuwa Soomaaliya

Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa bayaanka ku sheegay in howlgalka ay fuliyeen ciidanka Soomaaliya balse iyagu ay caawinayeen. [Sawirka]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Mareykanka ayaa sheegay in ay baari doonaan wararka sheegaya in shan qof oo shacab ah lagu dilay weerar ay fuliyeen ciidamada Mareykanka iyo kuwa dowladda Soomaaliya, sida lagu sheegay bayaan Jimcadii kasoo baxay Taliska Mareykanka ee Afrika.

Weerarka ayaa ka dhacay tuulo kutaala gobolka Shabeellah Hoose Arbacadii, sida ay Mareykanku sheegeen.

Dadka deegaanka oo ay kamid ahaayeen qaraabada ayaa warbaahinta u sheegay in shanta qof ee dhimatay ay ahaayeen beeralay, balse aysan ahayn dagaalyahano.

Meydka shanta qof ayaa lagu soo bandhigay isbitaal kuyaala duleedka Muqdisho Khamiistii.

Dhanka kale dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in dadka la dilay aysan ahayn shacab balse ahaayeen dagaalyahano katirsan Al-Shabaab.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*