Cabdixakiin Macalin Daahir, oo ahaa xildhibaan katirsan Puntland ayaa niman baastoolado ku hubeysan ku dileen meel u dhow huteel Classic ee Gaalkacyo, sida ay ilo-wareedku sheegeen.
Mid kamid ah ilaaladiisa ayaa sidoo kale lagu dilay weerarka, ilo-wareedka ayaa intaas ku daray.
Ma jirto koox si deg deg ah u sheegatay masuuliyada dilka, balse maleeshiyada Al-Shabaab ayaa sheegatay dhowr dil oo lala beegsaday masuuliyiin katirsan Puntland gudaha Gaalkacyo sanadihii lasoo dhaafay.