
Washington-(Puntland Mirror) Murashaxa xisbiga Dimuqraadiga Mrs. Hillary Clinton ayaa u dooratay Tim Kaine ku-xigeenkeeda, haddii ay ku guulaysato madaxweynenimada Maraykanka.
Tim Kaine ayaa ah barasaabka gobolka Virginia.
Hillary Clinton ayaa Tim Kaine ku tilmaantay nin nolashiisa u huray in uu u dagaalamo xuquuqda dadka kale.
Kaine ayaa dhankiisa sheegay in uu ku faraxsanyahay in xilkaasi loo soo magacaabo.
Doorashada madaxweynaha Maraykanka ayaa qabsoomi doonta bisha November ee dabayaaqada sanadkan 2016.