Maaliyadaan ayaa lagu taageeri doonaa dib u habeynta Dowladda Federaalka si loo dhiso dowlad goboleedyo mideysan.
Guddoomiyaha Midowga Yurub ee iskaashiga iyo horumarinta caalamiga ah Neven Mimica ayaa sheegay: “taageerada miisaaniyadeed waxay muujineysaa sida Midowga Yurub ugu kalsoontahay haayadaha Soomaaaliya. Waxay dowladda siineysaa dakhli si ay kor ugu qaado dib u habeynta iyo dhismaha dowlad xoogan oo awooda in ay bixiso adeegyada daruuriga ah ee dadku u baahanyihiin.”
Heshiiska ayaa maanta oo Axad ah lagu saxiixay gudaha Muqdisho.