Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada Xasan Nuur Shuute ayaa sheegay in saddexda xubnood ay ka dambeeyeen qarax ka dhacay hoteel ku yaala magaalada Muqdisho.
Hotel Naasahablood, ayaa la weeraray 28-dii Oktoobar sanadkii hore, ugu yaraan 25 qof ayaa ku dhimatay, maleeshiyada Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay qaadday weerarka.
Go’aanka maxkamadda ayaa racfaan laga qaadan karaa, sida uu sheegay guddoomiyaha maxkamadda ciidamada.