![Guddoomiyaha maxkamada ciidamada Puntland, Kornayl Cabdifataax Xaaji Aadan. [Sawirka: Puntland Mirror]](https://puntlandmirror.net/wp-content/uploads/2017/03/9-1.jpg)
Isaga oo la hadlayay wariyeyaasha, guddoomiyaha maxkamada ciidamada Puntland, Kornayl Cabdifataax Xaaji Aadan ayaa ku dhawaaqay go’aanka ugu dambeeya ee maxkamada.
Lixda nin ayaa intii lagu guda jiray bilihii lasoo dhaafay waxaa gudaha magaalada Boosaaso ka soo qabtay ciidamada ammaanka Puntland, sida ay ilo-wareedyadu sheegeen.
Bartamihii bishii Febaraayo ee sanadkan, maxkamada ciidamada Puntland ee magaalada Boosaaso ayaa dil toogasho ah ku xukuntay todobo xubnood oo Al-Shabaab ah, balse toogashada wali lama fulin, sida ilo-wareedyo u sheegeen Puntland Mirror.
Intii lagu guda jiray bilihii dhawaa ee lasoo dhaafay, Boosaaso ayaa goobjoog u noqotay mowjado weeraro ah oo dhiig ku daatay oo lagu bartilmaameedsaday masuuliyiinta dowladda iyo dad kale oo shacab ah, waxaana dilalkaas sheegtay ururada argagixisada ah ee Al-Shabaab iyo ISIS.