Ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo saddex dagaalyahan oo Al-Shabaab ah ku dilay koonfurta Soomaaliya

Amisom and Somali forces
Ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo howlgalo ka dhan ah Al-Shabaab ka wada koonfurta Soomaaliya.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Ciidamada dowlada Soomaaliya oo ay taageerayaan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa shalay oo Arbaco ahayd dilay ugu yaraan saddex dagaalyahan oo Al-Shabaab ah, kadib markii ay howlgal wadajir ah oo ka dhan ah Al-Shabaab ay ka sameeyeen koonfurta Soomaaliya, sida uu sheegay sarkaal.

Joe Kibet, oo ah afhayeenka howlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya, ayaa wakaalada wararka Shiinaha ee Xinhua u sheegay in ciidamada ay weerar kedis ah ku qaadeen saldhig ay Al-Shabaab ku lahayd deegaanka Cabdala Biroole, oo qiyaastii 60 km koonfur-galbeed kaga beegan magaalo xeebeedka Kismaayo, wuxuuna sheegay in ay weerarkaas ku dileen ilaa iyo saddex dagaalyahan oo Al-Shabaab ah.

Afhayeenka ayaa sheegay in ciidamada aysan wax iskacaabin ah kala kulmin howlgalkaas.

Ciidamada dowlada Soomaaliya oo ay taageerayaan kuwa AMISOM ayaa howlgalo ka dhan ah kooxda hubaysan ee Al-Shabaab ka wada koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*