Madaxweyne Farmaajo oo kulan la yeeshay xubno ka socda xildhibaanada taageersan guddoomiye Jawaari

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. [Sawirka]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta oo Sabti ah Muqdisho kulan kula yeeshay xildhibaano taageersan guddoomiye Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari, sida ilo-wareed kulanka ka ag dhow uu warbaahinta u sheegay.

Madaxweynaha iyo xildhibaanada ayaa ka wadahadlay sidii loo xalin lahaa khilaafka u dhaxeeya baarlamaanka iyo golaha wasiiradda, sida ilo-wareedku sheegay.

Xildhibaanada la kulmay madaxweynaha ayaa la sheegay in ay ka koobnaayeen toddobo xubnood, kuwaasoo Jawaari uu soo dhisay sidii ay xal ugu raadin lahaayeen khilaafka jira.

Maalmihii lasoo dhaafay khilaaf xoogan ayaa ka dhexjiray baarlamaanka iyo xukuumadda kadib markii qaar katirsan golaha baarlamaanka oo u badan wasiiro ay keeneen mooshin lagu ceyrinayo Jawaari.

Asbuucii lasoo dhaafay kulamo lagu balansanaa in baarlamaanka ay ku yeeshaan Muqdisho si ay codka kalsooni siinta ah ugu qaadaan guddoomiye Jawaari, ayaa qabsoomi waayay.

Mooshinka ka dhanka ah Jawaari ayaa waxaa dabada ka riixaya xubno xildhibaano ah oo katirsan xukuumadda Xasan Cali Khayre.

Khilaafka oo muddo bil ka badan jira, ayaa dib u dhac ku keenay howlihii shaqo ee dowladda federaalka Soomaaliya ee fadhigeedu yahay Muqdisho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*