Markab ganacsi oo ku caariyay xeebta dekada Boosaaso

Markabka Al Baraka oo ku soo caariyay xeebta Boosaaso. [Isha Sawirka: Facebook]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Markab laga leeyahay Sucuudi Caraabiya ayaa maanta oo Axad ah ku caariyay xeebta magaalada Boosaaso.

Markabka oo magaciisa lagu sheegay Al Baraka ayaa doonayay in uu xoolo ka dhoofiyo dekada Boosaaso isagoo geyn lahaa magaalada Jeddah ee dalka Sucuudi Caraabiya, sida ilowareedyo katirsan ganacsatada iyo dowladda Puntland ay u sheegeen bog wareedka Puntland Mirror.

Sanadihii u dambeeyay, dhowr jeer oo hore ayaa doonyo iyo maraakiib ganacsi ay ku caarisay xeebta dekada Boosaaso. Shanti sanno ee u dambeeyay shirkada DP World ee laga leeyahay Isutaga Imaaraatka Carabta ayaa gacanta ku haysay dekada kadib heshiis xukuumadii madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas ay la gashay sanadkii 2017 si ay u ballaariso dekada, balse ilaa iyo hadda ma aysan samayn wax ballaarin ah.

Madaxweynaha xilka haya Siciid Cabdullahi Deni ayaa marar badan sheegay in dekada dhismaheeda la bilaabayo taasoo aan weli suurtagelin. Dadka weynaha Puntland ayaa aad walaac uga qaba maamulka DP World ee dhowrka sanno ee dekada Boosaaso oo aysan waxba ka qaban.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*