Markab dagaal oo Shiinuhu leeyahay iyo diyaarad ay leeyihiin ciidamada badda Hindiya oo horjoogsaday weerar ay koox looga shaki qabo burcadbadeeda Soomaalida la beegsadeen markab ganacsi

Markab dagaal oo Shiinuhu leeyahay iyo diyaarad ay leeyihiin ciidamada badda Hindiya oo horjoogsaday weerar ay koox looga shaki qabo burcadbadeeda Soomaalida la beegsadeen markab ganacsi. [Sawirka: Archive]
Garoowe-(Puntland Mirror) Markab dagaal oo Shiinuhu leeyahay oo taageero ka helaya diyaarada qumaatiga u kacda oo ay leeyihiin ciidamada badda Hindiya ayaa horjoogsaday weerar ay koox looga shaki qabo burcadbadeeda Soomaalida la beegsadeen markab ganacsi, sida maanta oo Axad ah ay sheegtay wasaaradda difaaca Hindiya.

Markabka oo Sabtidii shalay ay burcadbadeedu weerar la beegsadeen ayaa la dhahaa OS 35.

Wasaaradda difaaca Hindiya ayaa sheegtay in afar markab oo dagaal oo ay leedadahay oo biyaha ku sugnaa ay ka jawaabeen seenyaale ka timid markabka oo siday xamuul tiro badan.

Wasaaradda difaaca Hindiya ayaa sheegtay in shaqaalihii markabka saarnaa ay magangalyo ahaan isugu uruursheen qol adag oo markabku leeyahay, markii ay ogaadeen in ay ku jiraan weerar.

“Diyaarad qumaati u kacda oo ay leeyihiin ciidamada badda Hindiya ayaa ishaafalatayn dhanka cirka ah ku haysay markabka ganacsi ilaa xalay si ay u ogaadaan meesha ay ku suganyihiin burcadbadeeda, haddii ay wali saaranyihiin,” wasaaradda difaaca Hindiya ayaa sidaa ku tiri bayaan.

“Kadib…. Markab dagaal oo ku dhawaa oo Shiinuhu leeyahay ayaa aaday markabka, halka diyaarada qumaati u kacda oo ay leeyihiin ciidamada badda Hindiya ay taageero dhanka cirka ah siinaysay.” bayaan ayaa intaas ku daray.

Wasaaradda difaaca Hindiya ayaa sheegtay in dhammaan shaqaalaha markabka saarnaa oo ahaa ilaa 19 ay bad qabaan, kabtanka markabkuna uu u mahadceshay ciidamada badda Hindiya jawaabcelintooda iyo kor kala socoshadooda markabka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*