Doorashada xildhibaanada Puntland u matali doona dowladda federaalka oo maanta ka bilaabmaysa Garoowe

Hawlwadeenada doorashada oo tababar siinaya ergooyinka wax dooranaya. [Sawirka: Puntland Mirror]
Garoowe-(Puntland Mirror) Doorashada xubnaha xildhibaanada ee Puntland u matali doona baarlamaanka dowlada federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah ka bilaabmaysa caasimada Puntland ee Garoowe, sida la qorsheeyay.

Wajiga kowaad ee doorashada, ku dhawaad 612 ergo ah oo matalaysa 8 beelood ayaa dooran doona 12 xubnod oo xildhibaano ah.

Iyadoo wajiyada dambe lagu dooran doono 25-kale ee harsan ee tirada guud ee xildhibaanada Puntland u matali doona dowladda federaalka oo ah 37 xubnood.

Amaanka guud ee magaalada Garoowe ayaa aad loo adkeeyay iyadoo ciidamo la geeyay goobaha ay doorashada ka dhacayso oo kala ah qololka waa-weyn shirarka ee jaamacadaha PSU iyo Bariga Afrika faraceeda Garoowe.

Khilaafyo jira

Khilaafyo badan oo ku saabsan qaabka soo xulida musharixiinta baarlamaanka ee beelaha ay ka imaanayaan ayaa jirta iyadoo uusan jirin guddi rasmi ah oo madax-banaan oo u xil-saran khilaafyada.

Odayaasha dhaqanka beelaha ayaa soo xulay musharixiinta u tartamaysa xubnaha xildhibaanada taasoo keentay in khilaaf weyn uu ka dhasho beelaha dhexdooda sababtoo ah waxaa laga tagay oo laga reebay liiska loo gudbiyay guddiga doorashada heer Puntland musharixiin doonayay in ay u tartamaan xubinimada baarlamaanka.

20-ka bishaan ayaa lagu wadaa in lasoo dhamaystiro 275-ka xubnood ee baarlamaanka dowlada federaalka Soomaaliya kuwaasoo sida qorshuhu yahay 30-ka isla bishaan November dooran doona madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*