Mareykanka oo ka walaacsan koritaanka kooxda ISIS ee gudaha Puntland

Janaraal Michael Langley. [Sawir Hore]

Garoowe-(Puntland Mirror) Mareykanka oo sheegay in ay ka walaacsanyihiin koritaanka kooxda ISIS ama Daacish ee gudaha Puntland, Soomaaliya.

Wareysi uu asbuucii la soo dhaafay dabayaaqadiisii siiyay VOA, taliyaha Taliska Mareykanka ee Africa Janaraal Michael Langley ayaa sheegay in kooxda ISIS ay tiradeedu kordhayso gudaha Puntland.

“Waxaan ka walaacsanahay qeybta waqooyiga Soomaaliya halkaas oo ISIS tiro ahaan kordhayso,” ayuu yiri.

Waxaa la weydiiyay inta ay la egtahay kororkaas, balse ma uusan sheegin tiro, isaga oo xusay in sanadkii ugu dambeeyay ay korortay, oo hadda ay ka badantahay sidii ay ahayd sanadkii hore.

ISIS ayaa kacdoonkeeda gudaha Puntland bilowday dabayaaqadii sanadkii 2015, markii dagaalyahano hore oo Al-Shabaab katirsanaa oo uu hoggaaminayay Cadbiqaadir Muumin ay iclaamiyeen in ay ku biireen ISIS, waxayna qaadeen weeraro dhowr ah oo uu ku jiro qabsashadii magaalada qadiimiga ah ee Qandala kahor inta aysan dib ula wareegin ciidanka dowladda sanadkii 2016-kii.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ooh adda ku sugan Boosaaso ayaa asbuucaan diyaarad ku tagay halkaas si uu ugu dhawaaqo dagaal ka dhan ah kooxda Daacish ama ISIS, sida ay sheegeen ilo-wareedyo ka agdhow xafiiskiisa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*