Juxa oo dib u dhigay safarkiisii Garoowe kadib markii Raysulwasaaruhu uu xilka ka qaaday

Sawirka: Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya ee xilka laga qaaday, Cabdi Faarax Siciid Juxa. .

Muqdisho-(Puntland Mirror) Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa dib u dhigay safarkiisii u qorsheysnaa in uu ku yimaado Garoowe, sida ilo-wareedyo ku dhow wasiirka ay u sheegeen warsidaha Puntland Mirror.

Juxa ayey u qorsheysneyd in uu yimaado Garoowe maanta oo Khamiis ah, balse waxa uu joojiyay safarkiisii waxyar kadib markii Raysulwasaare Xasan Cali Khayre uu soo saaray digreeto uu xilka uga qaaday saddex wasiir, oo uu ku jiro Juxa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*