Madaxweynaha Soomaaliya oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Britain u qaabilsan Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Britain u qaabilsan Soomaaliya. [Xigashada Sawirka: Radio Muqdisho]
Madaxweynaha Soomaaliya oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Britain u qaabilsan Soomaaliya. [Xigashada Sawirka: Radio Muqdisho]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta oo Sabti ah waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee dalka Britain u fadhiyi doona gudaha Soomaaliya David William Concar.

Kadib guddoonka waraaqaha aqoonsiga safiirnimo madaxweynaha iyo safiirka ayaa kulan ku wada qaatay xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Kulanka ayaa diirada algu saaray xiriirka u dhaxeeya labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa.

Wasiir ku xigeenka arrimaha dibada Soomaaliya Axmed Cali Kadiye oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in labada dhinac ay isku afgarteen sidii kor loogu sii qaadi lahaa iskaashiga u dhaxeeya labada dal.

David William Concar ayaa dhankiisa sheegay in madaxweynaha ay ka wadahadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal iyo taageerada ay Britain siiso Soomaaliya.

Safiirka ayaa sidoo kale xusay in bisha May ee sanadkan magaalada London lagu qaban doono shir balaaran oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*