“Mar haddii Madaxweynuhu uusan si ku meel-gaar ah u gudan karin waajibaadkiisa Dastuuriga ah sida ku cad qodobka 81-aad ee Dastuurka Puntland, farqadiisa 1-aad dhammaan masuuliyadaha iyo waajibaadkii dastuuriga ahaa waxay si ku meel gaar ah ugu wareegayaan una gudanaaya anigoo ah Madaxweyne Kuxigeenka Dawladda Puntland si waafaqsan Dastuurka, Shuruucda iyo Qawaaniinta kale ee u degsan Puntland.” Ayuu ku yiri qoraalkiisa.
Tilaabadan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo asbuucan uu Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni uu Muqdisho u tagay sidii uu halkaas uga bilaabi lahaa ololihiisa madaxweynaha Soomaaliya oo uu u sharaxanyahay.