Addis Ababa-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta oo Sabti ah gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya si uu uga qeybgalo shir madaxeedka Afrika, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Villa Soomaaliya.
Shirka ayaa beri oo Axad ah ka furmi doona xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababba.