“Sida datuurka federaalka Soomaaliya iyo kan Puntland ay qorayaan dhulkeeda khayraadka ku jira intiisa badan iyadaa maamulkeeda iska leh,” ayuu ku yiri madaxweynuhu wareysi uu asbuucaan siiyay laanta Af-Soomaaliga BBC.
“Marka laga tago khayraadyada qaybtooda oo dowladda Soomaaliya in ay ka wadahadlaan ay tahay, laakiin marwalba cida dhulkeeda la maalgelinayo iyada la rabaa in ay u bandhigto dadka maalgashiga rabana u sahasho shuruucda asaasiga ah.” Ayuu ku sii daray.