Madaxweyne Farmaajo oo safarkiisii kowaad oo dibada ah ku aaday Sucuudi Caraabiya

Madaxweyne Farmaajo oo safarkiisii kowaad oo dibada ah ku aaday Sucuudi Caraabiya. [Xigashada Sawirka: Cali Ducaale/sawirqaade madax-banaan]
Madaxweyne Farmaajo oo safarkiisii kowaad oo dibada ah ku aaday Sucuudi Caraabiya. [Xigashada Sawirka: Cali Ducaale/sawirqaade madax-banaan]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saakay oo Khamiis ah u safray dalka Sucuudi Caraabiya, sida ay sheegeen ilo-wareedyo madaxtooyada ah.

Inta uu ku guda jiro safarkiisa gudaha Sucuudiga, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa in uu kulamo la yeelan doono masuuliyiinta sare ee Sucuudiga.

Safarkan ayaa noqonaya kii kowaad oo dalka uu dibada uga baxo tan iyo markii baarlamaanka Soomaaliya ay u doorteen Farmaajo madaxweynaha dalka bilowgii bishaan.

Kahor inta uusan u ambabixin Sucuudi Caraabiya, Farmaajo ayaa Xasan Cali Khayre u magaacabay Raysulwasaarihiisa.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*