
Kigali-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta oo Sabti ah gaaray magaalada Kigali ee caasimada dalka Rwanda si uu uga qayb galo shir madaxeedka 27-aad ee Midowga Afrika.
Shir madaxeedka Afrika ayaa si rasmiya u furmi doona beri oo Axad ah, waxaana looga hadli doona arrimo badan oo ay ugu weyntahay xaalada dalka Koonfurta Suudaan.
Xoghayaha Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa ka qayb gali doona shirka Midowga Afrika oo ay isugu imaan doonaan hoggaamiyaal badan oo ka socda qaramada qaarada.