Boosaaso-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa u safray dalka Sucuudi Caraabiya si uu u soo guto waajibaadka xajka ee sanadkan, waxa uu wariyeyaasha ugu sheegay gelinkii dambe ee Khamiista garoonka diyaaradaha ee Boosaaso.
Madaxweynaha Puntland ayaa safarkiisa Sucuudi Caraabiya waxaa ku wehelin doona masuuliyiin katirsan dowladda oo uu kamidyahay guddoomiyaha baarlamaanka
Safarka Madaxweynaha Puntland ee Sucuudi Caraabiya ayaa yimid maalin kadib markii Puntland ay la safatay xulufada Sucuudigu hoggaamiyo ee kasoo horjeeda Qatar, waxayna Dowladda Federaalka Soomaaliya ka codsatay in ay qeexdo halka ay ka taagantahay khilaafka Khaliijka.
Madaxweyne Cabdiweli ayaa noqon doona madaxweynihii ugu horeeyay Puntland ee taga magaalada barakaysan ee Maka si uu u guto xajka isaga oo xafiiska jooga, sida ay sheegeen ilo-wareedyadu.