Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Talaado ah u safray dalka Jabuuti, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada.
Safarka madaxweynaha ayaa ah mid shaqo, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka madaxtooyada.
Waa markii labaad oo madaxweyne Deni uu safar ku tago dalkan yar ee kuyaala Geeska Afrika tan iyo markii uu xilka qabtay.