Ciidanka Badda Hindiya oo fashiliyay weerar ay burcadbadeeda la damacsanaayeen markab xamuulka qaata oo laga leeyahay Hindiya

Nin burcadbadeed ah oo qori garabka u saaranyahay. [Xigashada Sawirka: AFP]
Garoowe-(Puntland Mirror) Ciidanka Badda ee Hindiya ayaa shalay oo Jimce ahayd fashliyay isku day weerar oo ay burcadbadeeda Soomaaliya la damacsanaayeen markab weyn oo xamuulka qaata oo laga leeyahay Hindiya.

Ciidanka Hindiya ayaa ka hortagay weerarka burcadbadeeda xilli markabku uu marayay Gacanka Cadan, sida uu sheegay afhayeen u hadlay ciidanka badda Hindiya oo la dhaho Kabtan D.K. Sharma.

Ciidamada badda Hindiya ayaa si joogto ah u joogay xeebaha Soomaaliya si ay uga hortagaan falalka burcadbadeeda tan iyo sanadkii 2008.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*